Ra'isulwasaaraha Itoobiya oo sheegay in ciidamadooda ku sugan Soomaaliya ay kala bixi doonaan

0
42

Itobiya Prime m HailemariamRa’iisul wasaaraha Itoobiya, Hailemariam Desalegn ayaa sheagay in ciidamadiisa ku sugan Soomaaliya uu sida ugu dhaqsiyaha badan ula bixi doono, isagoo sheegay inay daahsadeen in ciidamada AMSIOM iyo kuwa dowladda Soomaaiya ay la wareegaan deegaannada ay ciidamadiisu u sugan yihiin.

“Dhowr jeer ayay ciidamada AMISOM naga dalbadeen inaan gaarsiino inta ay kala wareeayaan gacan ku haynta deegaannada aan ku sugannahay, balse dib u dhacyo ayaa ku yimid waxayna qaadatay sannad, marka innaga waan la baxaynaa ciidamadeenna,” ayuu yiri Hailemariam Desalegn.

“Go’aankeennu waa inaan si buuxda ciidamadeenna ugala baxno Soomaaliya si ay u difaacaan xuduudaha dalkeenna; taasina waa midda keliya ee aan ku kalsoonnahay,” ayuu yiri Dealegn.

Sannadkii hore ayay xukuumadda Itoobiya sheegtay in ciidamadeedu ay sii joogi doonaan Soomaaliya tan iyo dowladda Soomaaliya xoogaysanayso, ciidamadeeduna ay ka awoodayaan inay iska difaacaan xogagga Al-shabaab oo dagaal kula jira.

Dowlada Itoobiya ayaa mar walba ku hanjabta in ey ciidamadeeda kala bexeyso dalka somaliya, Bishii lasoo dhaafayay ayayaheyd kolkii Itoobiya si lama filaan ah uga baxeen degmada Xudur ee gobolka Bakool oo ay muddo sannad ah ku sugnaayeen; halkaas oo ay dib u qabsatay Al-shabaab.

Daafeet.Com