Dina Mufti oo ah Afhayeen wasaarada arimaha dibada Itoobiya ayaa maanta beeniyey warar ay saxaafada Soomaalidu isla dhexmaraysay oo sheegayey in Ra’isul wasaaraha Itoobiya uu ku dhawaaqay in ciidamada dalkiisa uu sida ugu dhaqsiyaha badan uga saarayo Soomaaliya.
Sidoo kale ayaa Afhayeenku sheegay in ciidamada Itoobiya ay sii joogayaan Soomaaliya si ay ula dagaalamaan xoogaga Al-shabaab una taageeraan dowlada Soomaaliya inta buu yiri ay diyaar ka noqonayaan ciidamada AMISOM si ay ula wareegaan deegaanada ay haatan gacanta ku hayaan ciidamada Itoobiya.
“Ra’isul wasaare Haila-mariam Desiglen waxaa uu baarlamaanka dalka ka sheegay oo kaliya in ciidamada dowlada Soomaaliya iyo AMISOM ay ku fashilmeen inay ciidanka Itoobiya kala wareegaan goobaha ay gacanta ku hayaan ee ma uusan sheegin in ciidanka Itoobiya laga soo saarayo Soomaaliya warkaasna waa mid been abuur ah” ayuu intaa ku daray Dina Mufti.
Sidoo kale ayaa Afhayeenka sheegay in ciidamada Itoobiya ay dalka Soomaaliya u galeen markii horeba iney la dagaalamaan Al-shabaab ayna sii wadayaan dagaalkaas inta ciidamada AMISOM ay kala wareegeyaan.