Madaxweynaha Dowlada Fedrlaka Somaliya oo sheegey in Alshabab dib u dhac weyn ku heyso Bulshada Somaliyeed

0
42

xasanMadaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxa uu sheegay in Al-Shabaab ay dhibaato adag ku hayaan shacabka Soomaaliyeed kuwaasi oo ku eedeeyay dabargoynta dadka liita.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu sheegay in wax waliba oo dib u dhac ah oo soo food saaaray shacabka Soomaaliyeed ay masuul ka yihiin xoogaga Shabaab oo dhamaan arimahaasi oo idil uu dusha kaga tuuray.

Xsan Sheekh ayaa intaasi ku daray in Gobalada ay maamulaan aan laga sameyn wax tallaal ah oo lagu tallaalayo dhalaanka Soomaaliyeed taasina ay dalaal u tahay in aysan dan ka laheyn daryeelka bulshada.

Madaxweynaha ayaa hadalkaan ka sheegay isaga oo shalay ka hadlaye xaflad ballaaran oo Wasaarada adeega Bulshada soo qaban qaabisay oo looga hadlaye tallaalka.

Daafeet.Coma