Reysulwasaha Dowlada Federalka oo sheegey in dhib weyn ey weli somaliya heysato

0
69

sacidRa’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon ayaa shegay Soomaaliya inay ku jirto xaalad adag oo u baahan in si de deg ah looga saaro.

Isagoo la hadlayay Boqolaal ka tirsan Ciidamadda Xogga dalka Soomaaliya Ra’iisul Wasaare Mudane Cabdi Faarax Shirdoon ayuu yiri “waxaan rabaa inaan idiin xaqiijiyo Soomaaliya maanta maalin ay ka qatar badan tahay waligeed masoo marin waligeed masoo marin, gudaha waxaa naga haysta intaanaan meel kalaba gaarin dhibaato Soomaaliya soo marta dii ugu darnayd” ayuu yiri Mr Shirdoon.

Sidoo kale wuxuu sheegay Khatarta ugu badan inay tahay gudaha oo ay kooxihii Nabad diidku maalin walba falal amaan xumo ka samaynayaan Caasimada iyo deeganada kale.

HALKAN HOOSE KA DHEGEYSO

SAACID

 

Daafeet.Com