Abuu Mansuur Al ameriki oo ka badbaadey qorshe la doonayo in lagu Qaarajiyo

0
61

 

al amerikiQoraal iyo sawiro uu soo dhigay barta uu adeegsado Abu Mansuur Al-Amriki ee Twitter-ka ayaa waxaa uu ku sheegay inuu ka bad baaday isku day dil oo la doonayay in lagu qaarajiyo.

Cumar Xamaami ayaa waxaa uu sheegay in koox hubeysan ay damceen inay dilaan hase ahaatee uu ka bad baaday.

Sawirada uu Twetter-kiisa soo galiyay Abu Mansuur oo u dhashay dalka Maraykanka waxaa ka muuqanaya dhaawacyo kasoo gaaray dhanka qoorta hase ahaatee waxaa uu sheegay inuu noolyahay oo uu waliba caafimaad qabo sida uu yiri.

Abu Mansuur Al-Amriki oo u dhashay dalka Maraykanka waxaa uu ka mid yahay Ragga aan Soomaalida aheyn ee Al-Shabab ku jira inkastoo ay dhawaan Shababku sheegeen inay shaqada ka cayriyeen.

Dhowr jeer ayuu Al-Amriki sheegay inay u hanjabeen xubno ka tirsan Xarakadda Al-Shabab waxaana uu ka mid yahay raga ay dawlada Maraykanka ay lacago dul dhigtay.

Daafeet.Com