Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab ayaa ku dagaalamay deegaanno ka tisran gobollada Bakoool iyo Bay, dagaalladaas oo dhaliyay khasaare isugu jirta mid nafeed iyo mid maaliyadeed.
Dagaalka ayaa qarxay markii ciidamada dowladda ay weerareen deegaan lagu magacaabo Hagarka iyadoo dagaalkaas ay ku dhinteen laba qof oo ka tirsan dhinacyadii dagaalamay, hal qofna uu ku dhaawacmay. Ciidamada dowladda ayaa la wraeegay deegaankaas iyagoo saacado kaddib si iskood ah uga baxay.
Sidoo kale, deegaanka Kulan-jareer oo u dhexeeya Waajid iyo Xudur una jirta labada degmo min 45-km ayaa ciidammo ka dowladda waxay ku weerareen xoogag ka tirsan Al-shabaab oo deegaankaas ku sugnaa, iyadoo labada dhinac ay isaga dileen shan qof.
Si kastaba arintu ha ahaatee dagaaladan ka dhacay deegaankaas ayaa kuwo soo noqnoqonayo lana rabo in kooxaha alshabab laga saaro deegaanka inta ey uga harsan yihiin.
Daafeet.Com