Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa xalay fiidkii ku dilay degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir ku-xigeenkii garyaqaanka guud ee dalka, Avv. Axmed Sheekh Nuur Maalin, iyadoo kooxihii dilkaas ka dambeeya la qabtay.
Mas’uulka la dilay ayaa la sheegay inuu kasoo baxay masjid uu ku tukaday salaaddii cishaha, waxaana toogtay saddex qof oo bastoolado ku hubeysnaa xilli uu ku socday gurigiisa oo ku yaalla xaafad ku dhow hoteelka Ramadaan.
Weerarka lagu dliay ku xigeenka garyaqaanka guud ee dalka ayaa waxaa lagu dhaawacay qof kale oo rayid ah, iyadoo ciidammo ka tirsan kuwa dowladda oo halkaas ku sugan ay qabteen raggii dilka geystay.
Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid, Muxiyadiin Xasan Jurrus oo isaguna ka hadlay dilka ku xigeenka garyaqaanka guud ee dalka ayaa sheegay inay ka dambeeyeen dilkaas kooxo ka tirsan Al-shabaab, sharcigana la horkeeni doono.
Xarakada Al-shabaab ayaan ka hadlin inay dilkaas ka dambeysay iyo in kale, sidoo kalena ma jirto cid sheegatay inay mas’uul ka tahay, waxaase uu qayb ka noqonayaa dilalka qorsheysan ee ka dhaca magaalada Muqdisho.
Daafeet.Com