Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa kulan uu ku yeeshay magaalada New York wuxuu sheegay in loo baahan yahay qorshe cusub oo siyaasadeed oo Soomaaliya looga caawinayo xasilinta iyo dib-u-dhiska.
Kulank oo si guud looga hadlayay horumarinta iyo taageeridda dowladaha Afrika ayay Soomaaliya ku jirtay dalalkii xaaladdooda laysla soo qaaday.
Jeffrey Feltman oo xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha siyaasadda ayaa qudbad oo golaha ka jeediyay ku sheegay in horumar dhinaca amniga ah ay ku tallaabsanayso dowladda Soomaaliya, isagoo xusay in nabadda iyo dedaallada dib-u-dhiskana ay sii xoogaysanayaan.
Wuxuu Feltman sheegay in loo baahan yahay caalamka inuu iska kaashado taageerada dowladda Soomaaliya iyo in Golaha Ammaanka uu la yimaado qorshe cusub oo lagu taageerayo dedaallada nabadda ee Soomaaliya.
Daafeet.Com