Boliska Ugandha oo heegan buuxa la geliyey si ey u ilaaliyaan amaanka gudaha dalka

0
151

ugandaBoliiska dalka Uganda ayaa sheegay in Maalintii shalay ay heleen warbixin cadeyn u ah in Ururka Al-shabaab oo xariir la leh Al-Qaa’ida ay qorsheynayaan Weerar ka dhaca gudaha dalkaasi Uganda.sida ay Baahisay Capital FM.

Sidoo kale Afhayeenka Boliiska Uganda ayaa dhanka kale sheegtay in hay’adaha Sirdoonka iyo hay’adaha kale ee dowlada ay iska kaashanayaan sidii warka haatan soo gaaray ay u xaqiijin lahaayeen,si bay tiri markaasi aan u qaadno talaabooyin ku haboon.

Ciidamo Boliis ah ayaa lagu xoojiyay goobaha la isugu soo baxo iyo xarumaha kale ee muhiimka ah,halkaasi oo dadka loo sheegayo inay ka kala tagaan,Madaama hadii ay wax ka dhacaan qasaaraha laga yaabo inuu sii fara bato.

Bishii Julay 2010,shabaab ayaa sheegtay weerar dhimasho badan dhaliyay oo ka dhacay dalka Uganda,kaasi oo ay ku naf waayeen dad gaaray 76,halka dhaawucuna kor u dhaafayo 70,iyadoo weerarka uu ka dhacayay Baar lagu daawanayay ciyaarihii aduunka uu xiligaasi gabagabo marayay.

Daafeet.Com