Dowladda Maraykanka ayaa si cad u sheegtay inay si xooggan u taageereyso xasilloonida iyo midnimada dalka Soomaaliya, xilli uu socdo wadahadallo u dhexeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland.
Kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibedda Maraykanka ee arrimaha siyaasadda Wendy Sherman oo kulan la qaadatay madaxweynaha maamulka Somaliland, Axmed Maxamed Siilaanyo oo Washington booqanaya ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay inay kala hadashay danaha labada-dhinac oo ay ku jiraan xasilloonida, dumuquraadiyadda, maamul-wanaagga iyo dagaalka ka dhanka ah al-Shabaab.
Waxay sheegtay in dowladda Maraykanka ay taageereyso sii socoshada wada-hadallada u dhexeya xukumada dhex ee Soomaaliya iyo maamulka Somaliland ee ka dhacay Turkiga 13-kii bishan April.
Kaaliyaha xoghayaa arrimaha dibadda ee Maraykanka, Wendy Sherman waxay sheegtay in Washington ay taageero xooggan siinayso nabadeynta iyo midnimada Soomaaliya.
Daafeet.Com