Madaxweynaha dowlada federalka Somaliya oo saaka u kicitimey Magalada Mombasa ee dalka Kenya

0
63

xasanMadaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saakay u amabaxay magaalada Mombassa ee dalka Kenya, halkaasoo la sheegay inuu kula kulmi doono madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta.

Wafdiga madaxweynaha Soomaaliya oo isugu jira xildhibaanno iyo wasiirro ayaa waxaa ka mid ah wasiir u dowlaha madaxtooyada Soomaaliya, iyadoo la sheegay in madaxweynuhu uu casuumaad ka helay dhiggiisa Kenya.

Lama oga waxyaabaha ay kulankooda kaga hadli doonaan, balse waxaa la filayaa inay kawada hadleen sidii ay isaga kaashan lahaayeen ammaanka labada iyo shirka maamul u sameynta ee ka socda magaalada Kismaayo oo dowladda Soomaaliya aysan ku qanacsanayn.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Muqdisho kusii sagootiyay, guddoomiyaha baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari), ra’iisul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo xubno ka tirsan labada gole ee dowladda.

Daafeet.Com