Xoghayaha horumarinta caalamiga ee Britain oo sheegtey in somaliya ugu deeayaan lacag dhan 120 Milyan

0
45

Olympics - Previews - Day - 3Dowladda Britain ayaa sheegtay inay Somalia siinayso lacag gaaraysa 80-milyan oo gini oo u dhiganta 120-milyan oo dollarka Mareykanka ah, si xal loogu helo deggenaasho la‘aanta muddada labaatanka sano ah ka jirtay.

Xoghayaha horumarinta caalamiga ee Britain, Justine Greening ayaa hadalkan ka sheegtay kulan ay magaalada London kula yeelatay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalkaas; iyadoo xustay in lacagtan si gaar ah loogu adeegsan doono ka bixitaanka saboolnimada iyo colaadda raagay.

Sidoo kale, xoghayaha waxay ku ammaanay Soomaalida dalka Ingiriiska ku nool kaalinta ay ka qaataan horumarinta dhaqaalaha Britain iyo dadaalka ay ugu jiraan sidii ay gacan uga geysan lahaayeen xasilinta dalkooda.

Dalka Britain ayaa wuxuu muuqdaa in xilligan uu u soo jeestay wax ka qabashada arrimaha Soomaaliya, iyadoo bisha soo socoda horraanteeda lagu wado in magaalada London ee xarunta dalkaas lagu qabto shir looga hadlayo horumarinta ammaanka iyo dib u dhiska Soomaaliya.

Daafeet.Com