Midowga Yurub ayaa cambaareeyay dilkii ku xigeenka garyaqaanka guud ee dowladda Soomaaliya loogu geystay magaalada Muqdisho.
Haweeneyda afhayeenka u ah madaxa arrimaha siyaasadda dibadda ee Midowga Yurub ayaa war-saxaafadeed ku sheegtay in Catheron Ashton ay aad uga naxday toogashada iyo dilka ku xigeenka garyaqaanka guud ee dowladda, Axmed Maalim Sheekh Nuur, iyadoo tacsi u dirtay qoyskiisa.
Ashton waxay si adag u cambaareysay weerarrada noocaas oo kale ah, oo ay sheegtay inaan loo oggolaan inay naaqusiyaan horumarka mudan in la xuso ee ay Soomaaliya gaartay.
War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Midowga Yurub uu ka go’an yahay la shaqeynta dowladda iyo bulshada caalamka si loo taageero horumarka dhinaca siyadadda iyo soo celinta kala dambeynta Soomaaliya.
Daafeet.Com