Gudoomiyaha degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeelaha hoose XAAJI ISAAQ CALIYOW MAAMOW oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxa uu maanta sheegay in roobab xooggan oo ka da’ay degmada ay sameeyeen dadka deegaanka.
Waxa uu sheegay in roobabkaasi ay ku bubureen guryo sidoo kalana ay ku barakaceen boqolaal qoys isaga oo sheegay in Dowlad iyo Hay’ado soo gaaray ilaa hada aysan jirin.
Gudoomiyaha degmada Wanlaweyne XAAJI ISAAQ CALIYOW MAAMOW ayaa dhinaca kale mar uu ka hadlay arrimaha Amaanka waxa uu sheegay in weerar ay Al-Shabaab kusoo qaadeen degmada ay ku qabteen labo ka mid ah dagaalyahanada Al-Shabaab.
Roobabka ka curtay dalka Soomaaliya ayaa saameeyay guryo iyo dadka deegaanka ah, iyadoo aysan jirin wax loo qabtay ilaa hada dadka.
Dhanka kale Wasiirka arrimaha gudaha Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Kariin Xuseen Guuleed oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay roobabka ka da’ay gobolada dalka iyo saameynta ay dadka ku yeesheen.
C/kariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay in Gudi ay u xilsaarayaan inay soo qiimaayaan xaaladda dadka ay saameeyeen roobabka iyo sidoo kale wax ka qabashada dhibaatooyin ay gaysteen roobabka.
Wasiirka arrimaha gudaha Xukuumadda Soomaaliya ayaa ugu baaqay Hay’adaha samafalka iyo dadka haysta hantiada inay gargaaraan dadka ay saameeyeen roobabka.
Roobabka ka da’ay dalka ayaa inkastoo lagu neecaawsaday hadana waxaa jira inay saameyn ku yeesheen dadka taagta daran.