Haweeney iyo 13 rag ah oo maanta lagu toogtay Boosaaso

0
58

toogashoCiidamada maamul goboleedka Puntland ayaa saaka dil toogasho ah ku fuliyay Haweeney iyo 12 rag ah oo horay maxkamada ciidamada Puntland ugu xukuntay dil toogasho ah kadib kolkii lagu eedeeyay inay ka tirsanaayeen Xarakada Shabaab, ayna maleegeen dilal iyo qaraxyo ka dhacay deegaanada Puntland dadkan la toogtay ayaa Ciidamada Puntland waxay xalay kala baxeen Xabsiyada maamulka.

Ragan iyo Haweeneydan la laayay ayaa saddex ka mid ah la sheegay inay fuliyeen dilka Dr. Axmed Xaaji Cabdiraxmaan oo dhamaadkii sanadkii 2011 lagu dilay magaalada Boosaaso halka 10-ka kale lagu soo eedeeyay inay magaalooyinka Garowe, Gaalkacyo iyo Boosaaso ay ka geysteen qaraxyo iyo dilal qorsheysan, waxaana dilkan uu ahaa kii ugu badnaa ee Ciidamada Puntland ku fuliyaan tiro dad ah.

Dilkan loo gaystay 13 kan ruux ayaa waxa uu ka dhacay duleedka magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari ayadoo xiligii dilka lagu fulinaayay dhalin yaradani isna ku dhintay askari ka tirsan ciidamada Puntland oo rasaastii lagu harqiyay 13-ka ruux ee la tooganayay ay ku dhacday.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay maamulka Puntland, hase ahaatee saraakiisha ammaanka ayaa war kooban oo ay saxaafada siiyeen ku gaabsaday in howsha u dhacday sidii loogu tala galay.