Dagaal loo adeegsaday qoryaha hoobiyaha ayaa waxa uu xalay saqdii dhexe ka dhacay nawaaxiga Garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo oo ay fariisin u ah ciidamada Kenya ee halkaasi ku jooga magaca Ciidamada nabad ilaalinta reer Afrika ee AMISOM.
Dagaalkan oo ku bilowday Hoobiyayaal lala dhacay Garoonka ayaa markii danbe isu bedelay dagaal fool ka fool ah oo u dhexeeya Ciidamada Xarakada Shabaab iyo kuwa Kenya oo fadhigooda lagu weeraray.
Lama oga khasaararaha ka dhashay dagaalka maadaama waqti danbe oo habeen ah ahayd ha yeeshee waxaa la filan karaa dhaawac iyo dhimasho maadaama gudaha garoonku ay haatan degen yihiin qaar ka mid ah ergooyinka iyo oday dhaqameedyada ka qeyb galaya shirka maamul u sameynta Jubooyinka.
Ciidamada Kenya ayaa ku jawaabay rasaas iyo madaafiic ay ku rideen goobo ay tuhmayeen in rasaasta iyo madaafiicda looga soo riday.
Afhayeenka maamulka kumeel gaarka ah ee Kismaayo Cabdinaasir Seeraar ayaa xaqiijiyay in weerarkaasi uu dhacay xalay isagoona tilmaamay inuu ahaa mid aan buurneyn oo ay soo qaadeen kooxo uu ugu yeeray naf la caari wuxuuna sidoo kale sheegay inuusan jirin wax khasaare ah oo ka dhashay weerarkaas ayna carareen kooxihii soo qaaday.
Dhanka kale weerarkan iyo khasaarihii ka dhashay ayaa ilaa iyo haatan aan weli wax war ah kasoo saarin Xarakada shabaab oo iyadu lagu eedeeyay weerarka.