Gudoomiyaha Baarlamaanka Dowlada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed ee wax heysta iyo Hay’adaha samafalka iney gargaar u fidiyaan dadka ay saameynta ku yeesheen fatahaadaha wabiga Shabelle ee ku nool gobollada Dalka.
Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari Gudoomiyaha Baarlamaanka Dalka ayaa yiri “runtii fatahaadda uu sameeyey wabiga Shabelle waa qeyb ka mid ah masiibooyinka dabiiciga ah waxaanna dareenkeeyga la qeybsanayaa dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobollada Hiiraan iyo shabeelooyinka oo ay si gaar ah fatahaadahan u saameeyeen”
Gudoomiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in looga baahan yahay dhammaanba hay’adaha Samafalka ee ka howlgala gudaha dalka,kuwa caalamiga ah,dalalka Soomaaliya saaxiibada dhow la ah iyo dadka Soomaaliyeed ee wax heysta iney gurmad deg deg ah u fidiyaan dadka ay fatahaaduhu saameynta ku yeesheen. ayadoo.
Daafeet.Com