Madaxweynaha dowlada federalka oo maanta ka hor hadley Xubnaha Barlamanka

0
63

xasanMadaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo la filaayey in uu maanta hortago  xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in sababta loo xiray wadooyinka Magaalada Muqdisho ay tahay qataro dhanka ammaanka oo Shabaab ay ka geystaan magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in ciidanka ammaanka ee Magaalada Muqdisho ay adkeynayaan ammaanka dalka Soomaaliya si aysan qataro dhanka ammaanka ah uga dhicin Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu sidoo kale sheegay inay jiraan dad Shabaab ka tirsan oo u diyaarsan inay qaraxyo la eegtaan masuuliyiinta ka tirsan Dowladda Soomaaliya ee Magaalada mara.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa khudbada uu jeediyay oo ka hadlaysay arimo dhowr ah oo ku aadan xaalada dalka Soomaaliya ayaa wuxuu sidoo kale sheegay in shirarkii Garoowe ay ahaayeen kuwa guul ah maamulka Puntland uu yahay maamul wadashaqeyn la leh Dowladda Soomaaliya.

Daafeet.Com