Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maanta oo Khamiis ah uu yeesho kulan ay warbixinno uga dhageysan doonaan madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in madaxweynaha uu warbixinno ka siin doono waxyaabihii u qabsoomay dowladda federaalka tan iyo markii xilka madaxweynenimo loo doortay muddo hadda laga joogo sideed bilood.
Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa bishii lasoo dhaafay ku war-geliyay xidlhibaannada baarlamaanka inuu madaxweynuhu hor-imaan doono 02-da bishan May oo ku beegan maanta oo Khamiis ah.
Kulankan ayaa lagu wadaa in madaxweynuhu uu kaga hadlo safarro uu kusoo maray dalal dibadda ah, heshiiskii dhexmaray Somaliland iyo Somalia iyo weliba booqashadii uu maalmo ka hor ku tagay Puntland.
Sidoo kale, wuxuu ka hadli doonaa sida wararka aan helayno ay sheegayaan horumarradii ay ku tallaabsatay dowladda Soomaaliya muddadii uu xilka hayay iyo qorshaha dowladda ee mustaqbalka dhow.
Daafeet.Com