Golaha wasiirrada xukuumadda Soomaaliya oo maanta shir ku yeeshay Muqdisho ayaa meel-mariyay magacaabidda taliyeyaasha cusub ee hay’adda nabadsugidda Qaranka Soomaaliya iyo ciidanka booliiska Soomaaliya.
Taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya ayaa loo magacaabay, Jen. C/kariin Siciid Daahir (Saacid) iyadoo taliyaha ha’yadda Nabadsugidda Qaranka loo magacaabay, Jen. Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe).
Shirka golaha wasiirrada ee lagu ansixiyay magaabista labadan mas’uul ayaa waxaa shir-guddoomiye ka ahaa ra’iisul wasaaraha Soomaailya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), iyadoo wasiirraddu ay ku ogolaadeen xubnaha cod aqlabiyad ah.
Jen. Bashiir Goobbe oo loo magacabay taliyaha hay’adda nabadsugidda ayaa ahaa wasiir ku xigeenka wasaaradda horumarinta iyo adeegga bulshada, halka taliyaha cusub ee booliiska Soomaaliya uu ahaa taliye ku xigeenkii hore ee ciidanka booliiska xilligii dowladdii KMG ahayd.
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in magacaabista labadan mas’uul ay u arkaan kuwo ku haboon howlaha sugidda ammaanka dalka, wuxuuna ku boorriyay inay kasoo baxaan howlaha loo idmaday maadaama ay horay u ahaayeen saraakiil ka tirsanaa booliiska Soomaaliya.
Daafeet.Com