Wadooyinka waaweyn ee magalada Muqdisho oo malintii 3xaad xiran

0
90

muqdishoWaddooyinka muhiimka ah ee Muqdisho ayaa maalintii saddexaad xiran; iyadoo Al-shabaab ay xirnaashahaas ku tilmaantay mid lagu curyaaminayo shacabka ku nool caasimadda Somalia ee Muqdisho.

Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa ku sugan jidadka waaweyn ee Muqdisho, iyadoo celinaya gaadiidka, balse dadka ayaa waxay jidadkaas u marayaan si teel-teel ah, iyadoo aan la ogeyn sababta ay waddooyinku weli u xiran yihiin.

Mas’uuliyiinta dowladda ayaa sheegay in dorraad markii ay howgallada lagu xiray waddooyinka billowdeen inay heleen farriimo ku saabsan in Al-shabaab ay doonayso niay falal argagaxiso ka geysato caasimadda Soomaaliyeed ee Muqdisho, taasna ay tahay sababta keentay in la xiro waddooyinka.

Xirnaashaha jidadka ayaa waxay saaameyn xooggan ku yeesheen ganacsiga iyo waxbarashada, iyadoo goobaha qaarkood ay u muuqdaan kuwo muddo dheer laga guuray ganacsiguna uu xiran yahay maalintii labaad.

Inkastoo aan la ogeyn howlagalladan inta casho ee ay socon doonaan ayaa haddana wararka la helayo waxay sheegayaan inay socon doonaan dhowr maalmood ee soo socda.

Daafeet.Com