Madaxweynaha dowlada federalka oo ku sugan dalka itobiya si uu uga qeyb galo shirka Igad

0
149

xasanMadaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qaybgalaya shirka madaxda waddamada Urur-goboleedka IGAD oo maanta ka furmaya magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia.

Afhayeenka madaxweynaha Soomaaliya, Injineer Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow) oo ka mid ah wafdiga madaxweynaha ee Addis Ababa jooga ayaa sheegay in shirka lagu soo qaadi doono arrimaha Soomaaliya, gaar ahaan shirka London ee arrimaha Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in madaxweynaha uu qudban ka jeedin doono madasha, isla markaana uu sharraxaad ka bixin doono shirka 7-da bishan ka fumraya dalka Ingiriiska.

Yariisow wuxuu xusay in madaxweynaha uu IGAD u bandhigi doono qorshaha xasilinta dalka iyo maamul u sameynta gobollada, nidaamka federaalka iyo dib-u-habeenta dastuurka.

 

 
Daafeet.Com