Waxaa xalay Addis Ababa lagu soo gabagabeeyay shirka wasiirrada urur-goboleeda IGAD oo horudhac u ahaa shir-madaxeedka waddamada gobolka.
Wasiirradii ka qaybgalay ayaa taageeray horumarka ay dowladda Soomaaliya ka gaartay dhinacyada nabadda iyo siyaasadda.
Wasiirka arrimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan ayaa Soomaaliya uga qayb gashay shirka oo ka qaybgaleyaasha uga warbixisay xaaladda guud ee dalka.
Waxay wasiirada IGAD soo dhoweeyeen shirka arrimaha Soomaaliya ee London ka furmaya, kaas oo ay caalamka ugu baaqeen inay si dhab ah ugu soo jeestaan wax u qabashada Soomaaliya oo u baahan in laga taageero amniga, dhaqaalaha iyo garsoorka
Daafeet.Com