Xoghayaha arimaha dibada Ingiriiska William Hague, ayaa sheegay in hogaamiyaasha Soomaaliya ay u baahan yihiin taageero caalami ah si loo dhiso ciidamada amaanka, booliska iyo ciidamada ilaalada xeebaha Soomaaliya.
William Hague, waxa uu sheegay in shirka magaalada London ka dhacaya todobaadka soo socda dowlada Soomaaliya ay ku heli doonto taageero caalami ah, taasi oo saacidi doonto dowlada cusub ee dalka Soomaaliya.
Dowlada Ingiriiska ayaa sheegtay in ay diyaarisay kordhinta dhaqaalaha lagu taageerayo wadamo badan oo ku yaala qaarada Africa kuwaasi oo dagaalo ay ka taagan yihiin waxaana ay sheegtay dowlada Ingiriiska ku dhawaad 60 Milyan oo Pound in ay ugu talo gashay wadamo Soomaaliya ay kamid tahay.
Dhaqaalahaasi ayaa lagu sheegay in ay ka taageerayaan wadamo Soomaaliya ay kamid tahay dib u dhiska dalka iyo xoojinta rajada ciidamada dowlada sida lagu sheegay war kasoo baxay wasaarada arimaha dibadda Ingiriiska.
Daafeet.Com