Madaxda waddamada Urur-goboleedka( IGAD) oo shalay ku shiray magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia ayaa isku raacay in qaxootiga Soomaalida ah ee ku nool waddamada deriska dib loogu celiyo dalkooda.
Madaxda ayaa ka wada hadlay in si nidaamsan oo waafaqsan shuruucda caaalamiga dib dalkooda loogu celiyo qaxootiga Soomaalida ah, iyadoo qorshahaas ay qeyb ka yihiin qurba joogta Soomaaliyeed iyo hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR iyo xubnaha beesha caalamka.
Madaxda IGAD ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku guuleysatay dib u soo celinta nabadgelyada ayna la wareegtay gobollo horey ugu jirtay gacanta maleeshiyada al-Shabaab, iyagoo tilmaamay in taas ay horseedi karto in la helo deegaanno dib loogu celiyo qaxootiga Soomaalida ah ee ku nool waddamada deriska.
Daafeet.Com