Waddooyinka muhiimka ah ee Muqdisho ayaa dib loo furay saakay oo Sabti ah kaddib afar maalmood oo ay u xirnaayeen arrimo la sheegay inay ammaanka la xiriiraan, waxaana jidadkaas dib uga howl-billlaabay gaadiidka dadweynaha.
Ciidammo ka tirsan kuwa dowladda oo isugu jiray nabadsugid iyo booliis oo dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay ku sugnaa waddooyinkaas ayaa saakay laga qaaday, iyadoo shacabka Muqdisho ay si aad ah u soo dhaweeyeen dib u furidda waddooyinka.
Darawallada gaadiidka dadweynaha ayaa iyaguna sheegay inay dhibaato aad ah ku qabeen marista waddooyinka, iyaga iyo rakaabkuna uu khilaaf joogto ah u dhexeeyn jiray, maadaama aysan geyn karin halkii ay markii hore kusoo rareen.
Ganacsatada dukaamada, maqaahiyadaha iyo caroowyinka ku leh hareeraha jidka dheer ee Maka Al-Mukarama ayaa iyaguna soo dhaweeyay dib u furida waddadaas oo ahayd middii uu bandowga saameynta xooggan ku yeeshay.
Xirnaashaha waddooyinka ayay madaxda dowladdu ku sheegeen howlgal looga hortagayay qorshayaal ay Al-shabaab ku doonaysay inay falal argagaxiso uga geysato Muqdisho, iyadoo madaxweynaha Soomaaliya uu sheegay in qorshayaal badan la fashiliyay.
Daafeet.com