Alshabab oo xaley Weerar ku qaadey Degmada Dhoobleey ee Gobolka Jubada Hoose

0
65

alshababWararka aynu ka helney  gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in maleeshiyo ka tirsan kooxda al-Shabaab ay xalay weerar gaadmo ah ku qaadeen magaalada Dhoobley ee ku taalla soohdinta u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidamo isugu jira Soomaali iyo Kiinyaan.

Isgaarsiinta oo hawada ka maqan awgeed waxaa yar faahfaahinta laga helayo weerarka al-Shabaab ay ku qaadday magaalada. Sidoo kale ilaa hadda lagama war hayo khasaaraha ka dhashay iska horimaadka.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in maleeshiyada kooxda al-Shabaab ay si kooban ula wareegeen qeybo ka tirsan magaalada, balse markii dambe laga saaray.

Si kastaba arintu ha ahaatee dagaaladan ka  dhaca Gobolka Jubada Hoose ayaa kuwo mar walba soo laalaabta tan iyo kolkii Alshabab looga awood roonaadey gacan ku heynta Gobolka Jubada Hoose.

Daafeet.Com