![awa](https://i0.wp.com/daafeet.com/wp-content/uploads/2013/05/awa-150x150.jpg?resize=150%2C150)
Hilowle Maanta Magaalada Kismaayo kula hadlayey Warbaahinta ayaa wax laga xumaado waxaa uu ku tilmaamay habka la doonayo in wax loo qeybsado in ay marin habaabin ay ku wadaan shaqsiyaad caadeeystey musuq maasuq,Cadiifad iyo sad bursi,isagoo sheegayna Qorsha ay wataan Shaqsiyaadkaasi in uu yahay mid aanan la aqbali doonin ama aanan meel mari doonin.
Hilowle ayaa Xusey Ergooyinkii kale ee Matali lahaa Gobolaada J/dhexe iyo J/hoose in Beelaha degan Goboladaasi ay u qeyb sadeen si Cadaalad ah,balse waxaa uu nasiib daro uu ku tilmaamay arinta Gedo in jeebkooda ka muumalayaan Shaqsiyaad damaaci xun oo ka soo jeeda Beesha SADE oo damaaci xun,waa siduu hadalka u dhigaye,islamarkaana ay ku fashilmi doonaan.
Hadalka Siyaasiga Hilowle ayaa ku soo aadaya xili ismari waa dhanka Qaabka loo xulanayo Ergada Gedo ee Dooran lahayd Madaxweynaha Jubboland uu u dhaxeeyo Ergooyinka Beesha SADE ee ka yimid Gobolka Gedo.
Halkan ka dhegayso