Dhegayso..Odoyaasha dhaqanka Gobolka Gedo oo ku shirey Luuq kana soo horjeestay Shirka ka soconaya Kismaayo

0
42

yarowShir mudo labo maalin ah ka soconayey Degmada Luuq ee Gobolka Gedo ayna ka qeyb galeen Odayaal, Siyaasiyiin iyo Waxgarad iyo Qeybaha Kala duwan ee Bulshada Ku Nool Degmada Luuq ayaa Maal Mihii U dambeysay waxa uu ka soconayay Degmadaasi Luuq iyadoona Markii La soo Gaba Gabeeyay ay Kahadleen Odayaal ka qeyb galka Shirka kuwaasi oo Gebi ahaan Ka soo Horjeestay Shirka Ka soconayo Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose kaasi oo Maamul Loogu sameynayo Gobollada Jubbooyinka.

UGaas Max’ed Xasan Yarow oo ka Mid ah Odayaasha dhaqanka Gobolka Gedo oo kulanka Markii uu soo Gaba gaboobay Saxaafadda Kula hadlay Degmada Luuq ee Gobolkaasi ayaa sheegay in aysan Raali Ka aheyn Shirka Ka soconaya Kismaayo kaasi oo La doonayo in Maamul Loogu sameeyo Gobollada Jubbooyinka isagoona Ku Baaqay in La isugu Yimaado Shir Looga tashanayo aayaha Gobolka Gedo.

Ugaas Maxamed Xasan Yarow oo ka mid ah Hogaamiyayaasha dhaqanka Gobolka Gedo,waxaana aan ka wareystey Shir mudo labo maalin ah ka soconayey Degmada Luuq ee Gobolka Gedo

Halkan ka dhegayso waraysiga Ugaaska

Ugaas Maxamed Xasan Yarow