Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in hadii dhalinyarada ku jira Ururka Al-Shabaab ay isaga soo baxaan Ururkaasi Dowlada Soomaaliya aysan u raacaneyn wax dambi ah.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in aan laga aarsan doonin dadkii ka qeybqaatay dhacdadii shalay intiii suuragal ah hadii ay ka waantoobaan Shabaabnimada.
Wuxuu sheegay in dadka hogaamiyaasha ah ee Shabaabka ku jira misna dhalinyarada Soomaaliyeed ku hogaaminaya falalka dhibaatooyinka ah in shacabka ay la xisaabtami doonaan oo aan looga hari doonin sida uu yiri Madaxweynaha.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in laga baxay waqtigii mugdiga ahaa dhalinyarada Soomaaliyeed ee la qaldayna laga rabo inay dadkooda iyo diintooda usoo noqdaan sida Madaxweynaha yiri.
Daafeet.Com