Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon ayaa dhaleeceeyay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay isgoyska KM-4 ee magaalada Muqdisho, isagoo ku tilmaamay fal argagaxiso oo lagu gumaaday dad shacab ah oo aan waxba galabsan.
“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa eheladii iyo qaraabadii muwadiinta Soomaaliyeed ee lagu xasuuqay bartamaha Muqdisho. Falkaas argagixiso wuxuu ahaa mid banii’aadamnimada ka baxsan oo ay gaysteen kuwo arxan daran oo kasoo horjeeda nolosha iyo horumarka ummadda Soomaaliyeed,” ayuu ra’iisul wasaare Saacid ku yiri warsaxaafadeed xafiiskiisa kasoo baxay.
Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in weerarkan ismiidaaminta ah lala beegsaday gaariga uu lahaa wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka oo waday wafdi ka socday dalka Qatar uusan hakin doonin habsami u socodka hawlaha dowladda iyo isku socodka dadweynaha Muqdisho.
Ra’iisul wasaaraha ayaa muujiyay inuusan jirin dambi ummadda laga galo oo ka weyn gumaadka lagu hayo dadka rayidka ah ee am waxba galabsan isagoo intaas ku daray in maalin uun sharciga ay horimaan doonaan kuwa ka dambeeya falalka lagu waxyeeleynayo shacabka.
Wafdigii u dhashay dalka Qatar oo ka koobnaa laba xubnood ayaanay jirin wax kasoo gaaray weerarka, iyagoo isla shalay gellinkii dambe ka dhoofay garoonka diyaaradaha Muqdisho, waxaana weerarkan uu ahaa kii ugu cuslaa ee ka dhaca Muqdisho bishan May.
Daafeet.Com