Dagaal ka dhacay Degmada Qansax-Dheere oo ey ciidamada Dowlada iyo kuwa Alshabab guulo ka kala sheegteen

0
64

dagaalDowladda Soomaaliya iyo Ururka Al-Shabaab ayaa guulo kala duwan ka sheegtay dagaalo ka dhacay Degmada Qansax Dheere ee Gobalka Baay halkaasi oo labada ciidan ay isku dagaalameen.

Afhayeenka dhanka dagaalada ee Ururka Al-Shabaab C/casiis Abuu Muscab oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in duleedka Degmada Qansax dheere ee Gobalka Baay ay dagaal adag kula galeen ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa Ethiopia halkaasina ay ku gaarsiiyeen khasaaro kala duwan.

Wuxuu sheegay in dagaal xoogan kadib ay guul ka gaareen Shabaab dagaalka,sidoo kalena khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah ay gaarsiiyeen ciidanka Ethiopia.

Dhanka kale Aadan Cabdi Qooqane oo ah Guddoomiyaha Degmada Qansax Dheere oo isna la hadley warbaahinta ayaa sheegay in dagaalka dhankooda ay guul ka gaareen,waxaana uu sheegay in Shabaab ay ka dileen ciidamo badan.

Guddoomiyaha ayaa xusay in dhankooda ay soo gaartay khasaaro labo askari oo halkaasi ku geeriyooday dhanka Shabaabna wuxuu sheegay inay ka dileen afar askari iyo qaar kale oo dhaawac ah.

Daafeet.Com