Madaxweynaha dowlada federalka oo wareysi siiyey Wargeyska Financial Time ee ka soo baxa dalka ingiriiska

0
50

xasanMadaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan London ayaa u sheegay wargeys kasoo baxa London oo lagu magacaabo Financial Times inay u baahan tahay Soomaaliya qorshe la mid ah kii dib loogu habeeyay Yurub ee Marshall Plan-ka loo yaqaan, si ay uga baxdo faqriga, colaadaha sokeeye iyo argagaxisada.

Xasan Sheekh ayaa lagu wadaa inuu ku boorriyay in ka badan 50 xubnood oo ka socda dalal calaamka qaarkood iyo ururro in Soomaaliya ay siiyaan gargaar dhameystiran, si uga kacsabto dhibaatooyinkii soo jiray muddada ka badan 20-ka sano.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in dhibaatooyinka ka jira Soomaaliya la dhihi karo way ka daran yihiin kuwii xilligaas ka jiray Yurub, isagoo xusay inay la tacaalayso Soomaaliya argagaxiso iyo burcadbadeed oo aan xilligaas jirin.

Madaxweyne Xasan wuxuu sheegay in xadiga gargaarka la helo ay ku xiran tahay sida ay uga baxayaan dhibaatada dalkooda ka jirta. Isagoo xusay in hadda Muqdisho uu ka socdo dib u dhis, hareeraha waddooyinka waaweynna lagu arkayo dukaamo badan oo laga furay.

Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu sheegay in inkastoo khatar badan ay jirto haddana uu dalku uu horay u sii socdo uunka kasii xaluulanayo maalmihii madoobaa ee fowdada.

Wareysiga uu madaxweynuhu siiyay wargeyskan ayaa wuxuu dhacay xilli ay saacado uun kasoo wareegeen markii uu qarax dilay dad shacab ah uu ka dhacay bartamaha Muqdisho, kaasoo lala beegsaday samafalayaal dalka Qatar u dhashay.

Daafeet.Com