Waxaa lasoo gabgabeeyay shirkii London ee looga hadlayay horumarinta Soomaaliya, waxaana lagu wadaa in goor-dhow ay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh iyo ra’iisul wasaaraha Britain, David Cameron ay saxaafadda u soo bandhigaan warmutiyeedkii shirka kasoo baxay.
Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shirka ka sheegay in Soomaaliya ay u baahan tahay waxqabad hagar la’aan ah iyo iskaashi buuxa, isagoo dalbaday in dalalka dhaqaalaha badan ay Soomaaliya ay ku sameystaan maal-geshi si dhaqaalaha dalka dib loogu soo nooleeyo.
Ra’iisul wasaaraha UK, Cameron ayaa isna sheegay in Soomaaliya ay weli ka jirto rajo wanaagsan, isagoo beesha caalamka ka dalbaday in Soomaaliya laga caawiyo sidii ay kaga bixi lahayd dhibaatada dabada-dheeraatay.
Cameron ayaa sheegay in dhibaatada ku dhacday Soomaaliya ay ku timid khalad ay beesha caalamku horay u gashay, xilliganna aan loo baahnayn in dib loogu laabto khaladkaas oo kale, isagoo sheegay in la xoojiyo dagaalka lagula jiro Xarakada Al-shabaab oo uu ku tilmaamay koox argagaxiso ah.
Sidoo kale, ra’iisul wasaaraha Britain ayaa intii uu shirku socday sheegay in dowladdiisu ay ku yaboohayso lacag gaaraysa 50-milyan oo doollar si wax looga qabto ammaan-darrada, iyadoo 15-milyan oo lacagtaas ka mid ah loo adeegsan doono dib u dhiska ciidamada Soomaaliya.
Dalalka Mareykanka, Denmark, Turkiga, Qatar iyo kuwo kale oo fara badan ayaa iyaguna ku yaboohay dhaqaale malaayiin doollar ah si wax looga qabto deggenaasho la’aanta Soomaaliya, iyadoo ballanqaadyada shirku ahaayeen kuwo aad u fara badan.
Daafeet.Com