Fu'aad Shangole oo ka mid ah hogaamiyeyaasha Alshabab oo sheegey in ey dileen Abuu Mansuur Al Ameriki

0
202

al amerikiFu’aad Maxamed Shangole, oo ka mid ah horjoogayaasha Al-Shabaab ayaa sheegay in galabta deegaan u dhow tuulada Raama-caddey ay rag hubaysan oo taageersan horjoogaha ugu sarreeya Al-Shabab Axmed Godane ay ku dileen Cumar Xamaami oo sidoo kale loo yaqaan Abuu Mansuur Al-Amriiki.

Shangole, oo caawa maqribkii muxaadaro ka jeediyay masjidka weyn ee magaalada Buul0-barte ee gobolka Hiiraan ayaa sheegay in rag uu ku tilmaamay ‘murtadiin’ ay Abuu Mansuur Al-Amriiki dil gaadmo ah u geysteen, wuxuuna sidoo kale xaqiijiyay in iska hor imaad ka dhacay goobta lagu dilay Al-Amriiki ay ku geeriyoodeen tiro maleeshiyo Al-Shabaab ka tirsanayd.

Fu’aad Maxamed Shangole wuxuu sheegay in dhowaanahaan kooxo ka tirsan Al-Shabab ay qorsheynayeen shirqool lagu dilayo Abuu Mansuur Al-Amriki, oo si weyn uga soo horjeeday fikradaha Axmed Godane.

Al-Amriiki ayaa dhowaan bogga internetka ee Twitter soo dhigay sawirro muujinaya dhaawacyo ka soo gaaray isku day lagu doonayay in lagu dilo, wuxuuna ku eedeeyay Axmed Godane in uu doonayo in la dilo shisheeyaha ka garab dagaallama Al-Shabaab.

Daafeet.Com