Taliyaha cusub ee hay’adda nabad-sugidda qaranka General Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) ayaa maanta xilkii kala wareegay taliyihii KMG ahaa ee nabad-sugidda Cabdikariin Xasan Daahir.
Munaasabadda xil wareejinta oo ka dhacday magaalada Muqdisho waxaa ka qeyb-galay wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka Cabdikariin Xuseen Guuleed, taliyaha cusub ee booliska General Cabdixakiin Daahir Saacid, xildhibaanno, saraakiil ciidan iyo marti sharaf kale.
Taliyaha cusub ee hay’adda General Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) oo ka hadlay munaasabadda ayaa sheegay inuu isbeddel weyn ku sameyn doono hay’adda nabad-sugidda.
Bashiir Goobe wuxuu sheegay in shaqaalaha hay’adda lagu qiimayn doono heerarka darajadooda iyo waxqabadkooda.
Wuxuu u mahadceliyay taliyihii hore ee hay’adda Axmed Macallin Fiqi oo is casilay dabayaaqadii March, saraakiisha iyo shaqaalaha hay’adda, isagoo rajo ka muujiyey inuu ku guuleysan doono howsha loo igmaday.
Daafeet.Com