Madaxweynaha Dalka Kenya oo sheegey iney taageersan yihiin dib u dejinta Qaxootiga Somaliyeed ee ku sugan Kenya

0
63

Uhuru-kenyattaMadaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in dowladdiisu ay taageereyso dib u dejinta qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan gudaha dalkiisa.

Uhuru Kenyatta oo ka hadlayay shirkii arrimaha Soomaaliya ee shalay lagu qabtay magaalada London ayaa sheegay in qaxooti badan oo Soomaali ah ay ku nool yihiin xerooyinka iyadoo tiro badan oo ka mid ah qaxootigaas ay galeen qeybo ka mid ah waddankiisa taasoo uu sheegay in xaaladda ay ka dhigtay mid cakiran.

Madaxweynaha Kenya ayaa intaas raaciyay in ay marti geliyeen qaxooti aad u tiro badan oo ka soo qaxay Soomaaliya taasoo uu sheegay in ay ka dhalatay xaalad bani’ aadnimo iyo hanjabaadyo dhanka ammaanka ah oo ay la kulantay dowladda Kenya iyo waddamada kale ee gobolka ku yaalla.

Dhawaan ayey aheyn kolkii madaxda waddamada IGAD ey ugu baaqeen beesha caalamka in in ay hormariso habka lagu badbaadinayo iyo dib u celinta qaxootiga Soomaalida ee ku sugan dalka Kenya.

Daafeet.Com