Shabeelada hoose Foolataye maxay dhali doontaa?!

0
71

UurKu dhowaad mudo lixbilood ah ayaa waxay dowladu xusul duub ugu jirtay sidii ay maamulo ku meel gaar ah ugu samayn lahayd gobolada iyo degmooyinka dalka ee laga xoreeyo Xarakada Shabaab.

Inkasta oo ay dowladu ku guulaysatay magacaabista maamulada gobolada iyo degmooyinka dalka iyadoo loo marayo qaab mas’uul beeleed ayaa waxaa hadana jiro gobolo iyo degmooyin ay ku guul daraysatay inay usoo magacawdo maamul cusub.

Magacaabistan KMG ahee cusub ayaa waxaa markii ugu horaysay laga dhaqan geliyay Gobolka Baay iyadoo Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyada Fedralka Soomaaliya lagu magacaabay maamul KMG ah oo uu yeesho gobolka Baay iyo kan degmada Baydhabo.

Wareegtadaasi oo ku taariiqeysneyd February 4/2013 ayaa waxaa ku saxiixnaa Gudoomiyaha BF Soomaaliya waxaana maamul KMG ah Mudo Lix Bilood ah loogu magacaabay gobolka Baay Cabdi Aadan Hoosow.

Sidoo kale ayaa bishii March 25/2013 Ra’isul wasaare Saacid u sheegay xildhibaanada Baarlamaanka in uu maamul KMG ah u samayn doono Jubada hoose walow aan weli suura gelin.

Halka April 1/2013 Ra’isul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid uu maamul KMG ah u sameeyay Gobolka Gedo kaasi oo uu magacaabay Maxamed Cabdi Kaliil oo horey u ahaa Gudoomiyaha Gobolka Gedo.

Sidoo kale ayaa bishii tagtay ee April 10, 2013 wareegto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha JF Soomaaliya oo uu ku saxiixnaa madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud lagu magacaabay maamul cusub oo uu yeesho Gobollka Hiiraan waxaana gudoomiye looga dhigay Cabdi Faarax Laqanyo.

Hadaba kol hadii dowladu ay sidaa u nidaamisay gobolada dalka maxaa hortaagan in sidoo kale gobolka Shabeelaha hoose loo sameeyo maamul ku meel gaar ah oo shacabku raali ka yahay ?

Iyadoo aynu ka wada dheregsanahay in Odayaasha Dhaqanka,Waxgarad,Siyaasiyiin iyo Xildhibaano kasoo jeeda gobolku ay intuba xusul duub ugu jiraan sidii maamul shacabka deegaanku uu raali ka yahay loogu dhiibi lahaa masiirka dadka gobolka oo gacmo shisheeyo oo gobolo kale kasoo duulay la haray 21 kii sano ee lasoo dhaafay.

Waa su’aal aan u dayn doono akhistayaasha qiimaha iyo qaayaha mudan.

Waxaa iyana muhimadeeda leh in aan u soo bandhigno akhristayaasha Documents ay wada saxiixeen dhamaan Salaadiin beelaha Digil ee dega Shabeelada hoose kaasi oo lagu jihaynayay habka samaynta maamul KMG ah oo uu yeesho gobolka kaasi oo ilaa maanta aan waxba kasoo naasa cadayn!!

last0001

 

mdm0002

mdm0003

last0001