Wargeyska Al-Watan oo shaaciyey in Iraan ey hubeyso Alshabab

0
171

shababWargeyska Al-Watan ee ka soo baxa wadanka Yemen ayaa lagu daabacay warar sheegaya in shixnado walxaha qarxa ah oo laga keenay wadanka Iran loo adeegsaday weerarkii ismidaminta ahaa ee maalin ka hor lagu weeraray kolonyo ay la socdeen wafuud samafal ah oo kaso jeda wadanka Qadar ayna masuuliyadeda sheegatay Xarakada Al-shabaab.

Maclumaadka uu heelay wargeskaani ayaa waxa uu ku muujinayaa suurta galnimada in ilaalada kacaanka wadanka Iran in ay hub ay ka gudbiyeen jamhuuriyada wadanka Yemen kuwaasi oo la geeyay waqooyiga wadanka Somalia oo saldhig muhiim ah u noqotay dowlada Iran in ay maslaxadeda dhanka gobolka ay ka fuliso.

Xukuumada Tehraan ayaa lagu eedeyay hubeynta dagalamayaasha Xarakada Al-shabab oo gantaalo iyo hub fudud ba ay siinayso.

Hubkaasi laga soo galiyay dhanka yemen ayaa jariidada waxa ay shegeysaa in la geeyay konfurta Somalia oo saldhigyo ay ku leeyihiin xarakada al-shabaab.

Daafeet.Com