Ciidamo ka wada tirsan dowlada ayaa ayaa shaley gelinkii dambe ku dagaalamey degmada baydhaba kaasoo geystey dhaawac, inta la ogyahay ilaa iyo hada waxaa ku dhaawacmey Hal qof oo rayid ah iyo 6 qof oo iskugu jira dhinacyadii ku dagaalamey.
Guddoomiyaha degmada Baydhabo Xasan Macallin Axmed (Biikole) oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in iska horimaadka uu ka dhashay ka dib markii ay isku dhaceen ciidamo ka tirsan kuwa maamulka gobolka iyo ciidamo ka yimid furimaha dagaalka kuwaas oo amar lagu siiyay inay ka baxaan magaalada kuna laabtaan saldhigyadii ay ka yimaadeen.
Biikole ayaa ku eedeeyay ciidanka soo galay magaalada inay falal isugu jira dhac iyo kufsi ka geysteen magaalada Baydhabo.
Si kastaba arintu ha ahaatee ma aha markii ugu horeysey oo dhib laga sheeganayo ciidanka milateriga ee xiran dareeska dowlada taasoo ey dadka badanaa sabab uga dhigaan in ciidanka Milateriga aysan heysan dhaqan celin badan madaama ey markii horaba u badnaayeen ciidamo dhibta u geysan jirtey shacabka hadana ey moodaan iney weli sidii yihiin.
Daafeet.Com