Madaxweynaha dowlada federalka oo xaley la kulmey Jaliyada Somaliyeed ee ku nool Magalada London

0
47

xasanMadaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay xaflad soo dhaweyn ah loogu sameeyay Magaalada London ee dalka Uk taasi oo ay soo qaban qaabiyeen jaaliyada Soomaalida ee ku nool London.

Xaflada oo aheyd mid aad u qurux badan ayaa Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wasiirka Gaashaandhiga iyo masuuliyiin uu kamid yahay Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ay ka qeybgaleen.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa halkaasi waxaa uu ka jeediyey khudbad waxaana uu sheegey in Dowladda Soomaaliya mar walba caalamka ay garab taagan tahay balse loo baahan yahay shacabka Soomaaliyeed inay dhistaan Dowlad wanaagsan.

Madaxweynaha dalka Soomaaliya ayaa sheegay in Dowladnimo ay qiimo ku leedahay shacabka Soomaaliyeed dhexdeeda,isaga oo sheegay Madaxweynaha in wax waliba uu ammaanka ugu qiimo badan yahay hadii aan amni lahelina waxba lama helayo.

Daafeet.Com