Wasiirka Gaashaandhiga oo sheegey in dowlada ey hakad gelisey dagaalkii ey kula jirtey Alshabab

0
53

faqiWasiirka gaashaandhigga Somalia, C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi oo ka mid ah wafdiga madaxweynaha Soomaaliya ee ku sugan London ayaa sheegay inay hakad galeen kaddib markii ay dowladda Soomaaliya iibsan wayday hub ay kula dagaalanto.

Fiqi ayaa sheegay in tan iyo markii cunnoqabateynta hubka laga qaaday Soomaaliya laba bilood ka hor aysan dowladdu soo iibsan qori ama xabad rasaas ah, taasoo uu sheegay inay sabab u tahay dhaqaale la’aan haysata dowladda Soomaaliya.

Fiqi oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya ay qorsheynayso inay dhisto 280,000 oo askari oo leh xirfadaha ciidamada lana hubeeyo si ay ammaanka dalka u sugaan, balse ay taasi ka horjoogsatay lacag la’aanta jirta.

Wasiirka ayaa sidoo kale, sheegay in Al-shabaab ay burbur ku socoto marka la eego dhinaca hoggaanka,ciidamada iyo siyaasadda, isagoo sheegay inay lumiyeen dhul ballaaran oo ay ka talin jireen, laakiinse ma sheegin tirada xoogagga Al-shabaab ee hadda kasoo horjeeda ciidamada dowladda iyo kuwa ee AMISOM.

 

Daafeet.Com