Amisom oo 3000 tiro kor u dhaaftey looga diley dagalada ka socda dalka somaliya

0
53

amisonQaramada Midoobay ayaa sheegtay in 3,000 oo askari oo ka tirasn ciidamada AMISOM lagu dilay gudaha Soomaaliya tan iyo sannadkii 2007 oo uu howlgalkan billowday, iyadoo sheegtay in askarta ugu badan ee la dilay ay ka socdeen dalalka Uganda iyo Burundi.

Ku xigeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Jan Eliasson ayaa u sheegay Reuters in dalalka ka tirsan AMISOM ay naftooda qaaliga u hureen sidii ay Soomaaliya nabad uga dhalin lahaayeen, isagoo sheegay in tirade ay tahay mid aad u badan.

Tirada ciidamada AMISOM kaga dhimatay howlgalka Soomaaliya ayaa waxay ku dhow dahay tiradii ciidamada Qaramada Midoobay ee howgallada ku dhintay tan iyo sannadkii 1948-kii taasoo gaaraysa 3,096 oo askari.

Howlgalka AMISOM ayaa wuxuu ka caawiyaa dowaldda Soomaaliy a sidii ay isaga difaaci lahayd Al-shabaab, iyadoo labadii sano ee lasoo dhaafay ay ka qabsadeen ciidamadan isbahaysanaya Al-shabaab dhul ballaaran oo ku yaalla Koonfurta Soomaaliya.

Cadadka ciidamada AMISOM ee ku dhintay dagaallada lagula jiro Al-shabaab ayaa noqonaya kuwii ugu badnaa ee la shaaciyo, iyadoo dalalka ay AMISOM ka socdaan sida Uganda iyo Burundi ay dhowr jeer beeniyeen tiro la sheegay in looga dilay dagaallada Soomaaliya ka socda.

Daafeet.Com