Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland Gen. Cade Muuse Xirsi ayaa ka hadlay xaalada Puntland iyo doorashooyinka dhawaan lagu wado in ay ka dhacaan deegaanada maamulkaasi.
Gen. Cade Muuse Xirsi ayaa sheegay in haatan xaalad xun ay ku jirto Puntland, loona baahanyahay in shacabka iyo isimada reer Puntland ay arintaasi ka dhiidhiyaan.
Waxa uuna tilmaamay in maamulka Madaxweyne Faroole uu sheegay in doorashooyinka ay noqonayaan nidaamka Xisbiyada haatanna aysan jirin wax sharci ah oo u dagsan arintaasi.
Cade Muuse madaxweynihii hore ee maamulka Puntland ayaa sheegay xisbiyada haatan jira in ay yihiin kuwo magaca uun wata laakiin aysan aheyn xisbiyo sax ah, isagoona ku eedeeyay madaxweyne Faroole in uu doonayo si cadaalad darro ah inuu ku soo laabto, oo dib loo soo doorto.
Daafeet.Com