Dhegayso..Isbaaroolaydii oo Isbaaro ka cabanaysa!

0
89

isbaroBurburkii dowladii dhexe ee Soomaaliya ka dib waxaa aad u soo shaac baxay hab ay kooxo beeleedyo sharciyaysteen oo ilaa iyo maanta laga kari la’yahay inay ka haraan waana waxa loo yaqaano Isbaarada taasi oo noqotay il dhaqaale laga sameeyo laguna maal geliyo Dilka,Kufsiga iyo Barakicinta lagula kaco shacabka aan hubaysnayn ee meel kasta jooga.
Kolka lasoo hadalqaado Isbaaro waxaa inta badan dadka Soomaaliyeed madaxooda ku soo dhaca labada gobol ee Shabeelaha hoose iyo Banaadir waxayna tusaale cad u yihiin qaab xumada Jidgooyada ee Diinteena Xaniifka ah sharciyada adag ka dejisay.

Hadaba dadaal badan ee uu galay maamulkan cusub ee Xasan Shiikh ayaa waxa uu hoos u dhigay in kayar 20% tiradii Isbaarada ee taalay labadan gobol.

Halka kuwii Isbaarada dhigan jirayna ay weli gaadma ugu jiraan sidii ay u dhigan lahaayeen Jidgooyooyin ay nolosha ku maareeyaan,Habkan ay ku barbaareen jiil dhan ayaa hada waxa uu u muuqdaa mid Jiilkii ku barbaaray uu ka hari la’yahay xitaa hadii uu maamulku dhigo Baro lagu koontoroolo gaadiidka iyo dadka Kooxda Isbaaroolaydu waxay u maleeyaan in sidoodii Isbaaro la dhigtay hadaba ila dhegayso waraysigan dhex maray Wariye beeleed Af ku naaxinaaya Mooryaan isugu yeeray Guddoomiyaha degmada Nabar 50 Cabadullaahi Cali Axmed Waafoow.

Waa iga Su’aale No-50 Goorma iyo Yaa ka dhigay Degmo?Runtii jawaabtu waa ay cadahay oo waa Tuulo hoos tagta degmada Afgooye,Muurise waa xuduuda Afgooye iyo Awdheegle ee Mooryaan Dooloow dhulka soo baro.

Halkan ka dhegayso

Isbaaroolaydii