Wasiirka Gaashandhiga oo sheegey in ciidanka dowlada ee Magalada Baydhabo dhib u geysan shacabka

0
55

faqiWasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Sooomaaliya ayaa beeniyay wararka sheegaya in ciidamada magaalada Baydhaba oo gadoodsan ay kufsi iyo dhac u gaysteen dad shacab.

C/xakiin ayaa sheegay in sidii Al Shabaab ay ula dagaalamayaan cid waliba oo isku dayda dhibaateyta dadka shacabka ah, waxaana uu sheegay in dadka gaysanaya kufsiga iyo dhac ay yihiin dad kale oo adeegsanaya dareeska ciidamada.

Waxaa uu tilmaamay in xal laga gaari doono dagaalkii dhawaan dhacay, sidoo kalana ay ciidamada heli doonaan mushaaraadkooda.

Si kastaba arintu ha ahaatee maddaxda ciidanka dowlada ee uu ugu sareeyo wasiirka gaashaandhiga waxaa ey mar walba daboolka saaraan dhibta ey geystaan kooxo yar ee ka tirsan ciidanka dowlada intii ey la xisaabtami lahaayeen ayagoomar walba ku mar marsiyaada in dadka dareeska wata eysan aheyn ciidanka dowlada.

 

Halkan hoose ka dhegeyso

 

Wareysi Faqi

 

Daafeet.Com