Afhayeenka Alshabab oo ka hadley shirkii lagu qabtey wadanka Ingiriiska

0
46

cali dhereAfhayeenka Ururka Al-Shabaab Cali Maxamuud Raage Cali Dheere oo la hadlay Idaacada ku hadasha afka Al-Shabaab ayaa wuxuu ka hadlay shirkii dhawaan kusoo dhamaaday dalka Uk ee looga hadlaaye arimaha dalka Soomaaliya.

Cali Dheere wuxuu sheegay in shirkaasi uusan waxba ka duwaneyn shirkii hore ee Uk ay u qabatay dalka Soomaaliya waxaana uu sheegay in dhamaan shirarkaasi dano gaar ah ay ka leeyihiin.

Afhayeenka Al-Shabaab ayaa sheegay natiijada kasoo baxday shirkaasi inay tahay mid aan waxba soo kordhineyn maadaama uu shirka yahay sida uu sheegay in dano gaar ah Uk ay kaga leedahay arimaha dalka Soomaaliya.

Safaaradaasi ayaa wuxuu ku sheegay inay tahay mid aan waxba ka jirin maadaama uu sheegay in Ingiriiska safiir uusan ka joogin gudaha dalka Soomaaliya safaaradana ay tahay mid magac ahaan looga furay Muqdisho.

Daafeet.Com