Daadad ka dhacay Konfurta Somaliya oo ey caruur badan ku dhinteen

0
60

daad1Daadad ka dhashay roob ka da’ay koonfurta Soomaaliya ayaa waxaa ku dhintay toddobo carruur ah, waxaana ku barakacay 50,000 oo qof, waxayna sidoo kale daadadku ku fataheen dhul-beereed gaaraya 6,400 oo hektar.

Hay’adda arrimaha bini’aadannimada u qaabilsan Qaramada Midoobay ee OCHA xafiiskeeda Soomaaliya ayaa Khamiistii sheegtay in daadadka ay ku soo beegmeen iyadoo la galay xilli-roobaadka, waxayna saameeyeen dadka iyo duunyada ku nool gobollada Baay, Shabeellaha dhexe iyo Shabeellaha hoose ee koonfurta Soomaaliya.

Roberta Russo oo ka tirsan xafiiska OCHA ee Soomaaliya ayaa wakaaladda wararka ee Xinhua u sheegay in roobka sababay daadadka uu billowday bishii March ee sanadkan.

Dowladda Soomaaliya weli kama hadlin dhibaatooyinka ay OCHA sheegtay in daadadku ay u geysteen dadka ku nool gobollada Koonfurta Soomaaliya iyo weliba dhimashada caruurta kasoo gaartay daadadkaas

Daafeet.Com.