Odayaasha gobolka shabeelaha oo shaley mar kale kulankoodii ku kala dareerey

1
90

shabelaha hoseKulan balaaran oo ay ka qayb galaan salaadiinta beelaha Digil ee dega gobolka Shabeelaha hoose ayaa waxa uu shalay oo jimco ahayd ka dhacay magaalada Muqdisho.

Kulanka oo looga go’ lahaa sidii fikir midaysan oo loo dhan yahay loogu wajihi lahaa maamulka cusub ee KMG ah ee la doonayo in gobolka shabeelaha hoose loo dhiso.

Kulankan oo ay ka horeeyeen kulamo kale oo ay horay u qaateen Salaadiinta Isla markaana ay isla meel dhigeen Qaabka uu noqon doono maamulka iyo weliba sida ay beeluhu u buuxin doonaan xilalka lasoo bandhigay ayaa kulankan waxa uu noqon lahaa kulankii ugu danbeeyay ee ay Salaadiintu ka yeeshaan Maamulka cusub ee lagu wado in loo sameeyo gobolka.

Xarigan raac si aad u aragto go’aamadii ay Salaadiintu horay u gaareen

Hadaba kulankii maanta oo sidaan horey u soo sheegnayba ahaa kulan lagu soo afmeerayay kulamadii hore u soo socday ayaa waxaa shalay markale lagu kala dareeray kulanka iyadoo ayan salaadiintu wax go’aano ah isla meel dhigin.

Ilo lagu kalsoonaan karo oo shirkana aad ugu dhowaa ayaa inoo xaqiijiyay in shirkii shalay uu guul daro ku dhamaaday kadib kolkii beesha Gare ay ka biya diiday in beel ahaan ay u weydo xilka Gudoomiyaha gobolka Shabeelaha hoose taasi oo iyana dhankooda ka caraysiisay Salaadiintii kale ee Beelaha Digil ee Shanta ahaa ka dibna lagu kala booday kulanka.

Daafeet.Com

1 COMMENT

  1. waxaa yaab leh dadka hadda u ololeynaya hogaaminta halkay jireen marka uu garre gobolka u dagaalamayey waxaan ognahay hawargidir gobolka qwaxay ku dhigtay raali ayaa looga ahaa inay hawargidir gobolka hayso waxaa arrintaa ka diiday garre oo inbadan ladagaalamay islamarkaana ka xoreeyay gobolka waxaa muhiim ah sida uu walaalka horey usheegay in laga wada hadlo maslaxada guud ee gobolka waxaan usheegaa walaalaha beesha digil hawiyaba gobolka waad uogolaateen ee maxaad ugu diidantihiin walaalihiina garre

Comments are closed.