Taliyaha cusub ee ciidanka booliiska Somalia Jen. C/kariin Daahir Siciid (Saacid) oo toddobaad ka hor loo magacaabay xilkan ayaa si rasmi ah maanta ula wareegay xilkiisa, waxaana xafladdii lagu wareejinayay xilka ka qaybgalay ra’iisal wasaaraha Somalia, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), guddoomiya maxkamadda sare, Avv. Caydiid Cabdullaahi Ilka-xanaf iyo wasiirka arrimaha guddaha iyo ammaanka Qaranka, C/kariin Xuseen Guuleed.
Jen. Sharif Shiikhunaa Maye ayaa labo sano ahaa taliyaha ciidanka booliiska, waxaana lagu amaanay inuu qeyb weyn ka qaatay dib-u-dhiska ciidanka oo muddadii uu taliyaha ahaa saddex jibaaray tirada ciidanka booliiska Somalia. Taliyaha oo munaasabaddii maanta ka hadlay ayaa sheegay in loo baahan yahay qorshe sare loogu qaadayo tayada iyo tirada ciidanka si loo gaarsiiyo howlaha ciidanka dalka oo dhan.
Wasiirka arrimaha guddaha iyo amniga Qaranka, C/kariin Xuseen Guuleed ayaa mahad gooni ah u soo jeediyay taliyihii hore ee booliiska Jen. Shariif Shiikhuna isagoo ku ammaanay wada-shaqeyntii ay lahaayeen lixdii bilood ee lasoo dhaafay. Waxayna ra’iisal wasaaraha iyowasiirku goobtaas billad Sharaf ku guddoonsiiyeen Jen. Maye.
Jen. Saacid ayaa ah taliyihii 10-aad ee qabta jagada ugu sarreeysa ciidanka booliiska Soomaaliya tan iyo markii la aasaasay 1943-kii oo ahaa xiliggii uu dalku gumaysiga ku jiray. Waxaana goobta xil-wareejinta laga xusay in Jen. Saacid abaahii Daahir uu waqti dheer u soo shaqeeyay ciidanka booliiska Soomaaliyeed. Halka uu isna yaraan ku galay shaqada ciidanka illaa uu ka qabto hoggaanka ugu sarreeya ciidanka.
Ra’iisul wasaaraha Somalia ayaa hadalkii uu ka jeediyay munaasabadda xil-wareejinta wuxuu ku xusay taariikhda dheer ee ciidanka booliiska Somalia, iyo sida ay laf-dhabar ugu ahaayeen nidaamka dawligaa ee Soomaaliya. Isagoo sheegay inay lagama maar-maan tahay inay kaalintaas buuxiyaan sida ugu dhaqsaha badan.
Daafeet.Com